Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo dalab lama filaan ah u dirtay haweenka ka shaqeeya goobaha Caafimaadka

Kooxda Taliban ayaa ka codsatay haweenka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas inay dib ugu laabtaan shaqadooda.

Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in haweenkan ay si joogto ah shaqadooda dib ugu laabtaan.

Ma uusan soo hadal qaadin waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda dumarka kale ee ka shaqeeyo dalkaas.

Taliban ayaa dhowaan haweenka dalkaas fartay iney guryahooda joogaan si ay u ilaaliyaan amnigooda, iyadoo xustay in amarkan uu yahay mid KMG ah.

Haweenka Afghanistan waxay walaac ka muujinayeen mustaqbalkooda kadib markii kooxda Taliban ay la wareegtay dalka, inkastoo kooxdan ay sheegtay iney wax ka bedeli doonto qaabkii ay ula dhaqmi jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Burcad badeed Markab ku heysata Somalia oo dalbaday..

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Raisul wasaare Narendra Modi oo booqasho ku tegay dhulka Falastiin

Caydiid Ali

Wafti ka socda IGAD iyo UNSOM oo gaaray Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---