Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmana Cabdishakuur oo ka hadlay Hanjabaada loo jeediyay Xildhibaanno …

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay xildhibaanno kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed oo taageero u muujiyay ciidamada Itoobiya ee xilligan jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ka hortagga damaca dowladda Itoobiya ay tahay masuuliyad dowladeed, balse aysan aheyn mid beeleed, waxa uuna intaa ku daray in aysan arrinta Itoobiya waxba ka gelin odayaal magac qabiil ku hanjabaya iyo shaqaale rayid oo siyaasad lugaha loo galinayo.

Halkan ka Akhriso qoraalka uu arrintan uga hadlay siyaasiga

 

Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed, waxna kama galo oday magac qabiil ku hanjaba iyo shaqaale rayad ah oo siyaasad lugaha loo geliyo, balse waa kaga sii dareen, maadaama uu hadalkoodu dhiilo qabiil kiciyey, bulshadiina kala irdheeyey.

Waxaase damaca looga hortegi karaa midnimo gudaha ah, dadaal diblomaasiyad oo dibedda ah iyo siyaasad waaqici ah oo lagu dheelitiro duruufaha qalafsan ee dalkeenna ka jirta ee keenay in Itoobiya looga maarmi waayo nabad ilaalin iyo la dagallanka AS.

Reer Koonfur Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin ciidankeeda nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ah ee ciidankeeda ATMIS ka baxsan dalka ku joogaanna lama gelin, waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado.

Soomaaliyeey waa in aan garawsanaa in ku xadgudubka gobonimada dalkeena uusan qabiil ama maamul gobol midkoodna wax ka goynin. Dowlad-qaran uunbaa dal difaaci karta, waxna ka goyn karta loollaanka joqraafi siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan kan la xariira amniga Badda Cas iyo biyaha Webiga Niil, iskumana heli karno in aan kala adkaanno, cadawgeenana ka adkaano, mana jiro maanta cudur nooga wayn hoggaan xumo iyo midnimo la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo oo laga guddoomay Karry Andre (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Shiikh Shariif & Xasan Cali Khayre “Ciidankii Soomaaliya wuxay u ku kala qeybsameyn laba dhinac”

admin

Gaari qaraxyo saaran yihiin oo Liido yaalla iyo ciidamada ammaanka oo…

Cabdi Cade