Hooyada Dhashay Gabadhii dilka iyo Kufsiga loogu geestay Gaalkacyo oo dalbatay in…

Hooyada dhashay  Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo kufsi fool xun iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in wali sugayaan in cadaalada la horgeeyo ragii falkaasi foosha xun ka dambeeyay.

Hooyada oo Warbaahinta kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in gurigeeda ugu yimaadeen daraad saraakiil katirsan laanta Dambi baarista Puntland, waxa ayna sheegtay in mar kale weediiyeen halkii lagu dilay gabadheeda iyo meesha lasoo dhigay.

Waxa ay sheegtay Hooyada dhashay Caa’isha in Saraakiisha in ay weediiyeen su’aalo horey loo weediiyay maalintii la helay meydka gabadheeda, waxa ayna xustay in lagu wargaliyay in mar kale dib loo baarayo kiiskaasi oo mudo baaristiisa ay socotay.

“In ay noo yimaadaan laba bilood kadib ayna nasoo xusuusiyaan waxay noola mid tahay geeri kale, Ragga gabadheyda kufsaday ee qashay waa la yaqaan, si degdeg ah maxkamad haloo soo taago,” ayay tiri hooyada dhashay Caa’isha

Hooyadan ayaa caddaalad-darro ka sheegatay  dowladda Puntland gaar ahaanna mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyadoo dalbatay in caddaalad loo sameeyo gabadheedii saqiirka ahayd ee sida foosha xun loo dilay.

Maamuka Puntland ayaa la sheegay in uu ka meer meerayo in cadaalada la horkeeno dadka la tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka iyo kufsiga loo geestay gabadha yar, waxaana dadkii loo xiray kiiskan qaarkood la sheegay in si hoose loo sii daayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -