Muwaadin Soomaaliyeed oo Wasiir ka noqday gobol katirsan dalka Mareykanka

Xamza Warfaa oo asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Shaqaalaha iyo Kobcinta dhaqaallaha ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Minnesoto ee dalka Mareykanka ayaa Xamza Warfaa u xushay in uu kusoo daro Wasiirada maamulkiisa kadib dadaalo badan uu sameeyay , waxaana talaabadan aad usoo dhaweeyay Soomaalida kunool gobolka Minnesota.

Xamza Warfaa oo ah nin dhalinyaro ah ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad muuqda, waxa uuna cadeeyay in uu wax badan ka qaban doono arrimaha shaqo la’aanta ee haysata dalka ku nool gobolka Minnesota.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa kamid ahaa dadka u dhaq dhaqaaqa arimaha bulshada, waxa uuna horey u noqday  qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee la siiyo Abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiyaan Hay’adaha deeqaha bixiya ee gobalka Minnesota Sanadkii 2018-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -