Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay gaari ay wateen ciidamo katirsan booliisa milataare.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa miino uu ka dhacay waddo kutaalla waaxda koobaad degmada Kaxda.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in qaraxa oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacmeen labo askari, kuwaa uu sheegay in loo qaaday xarumaha caafimaadka oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku badan qaraxyada nuuca miinada hareeha waddooyinka la dhigo,qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa baabuurta ay wataan ciidamada ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulanka Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga bixiyay kulankii Villa Hargeysa iyo Xubno aan kamid aheyn Xildhibaanada Aqalka hoose oo ….

Cabdi Cade

Guddi Baarlaman oo dalab xasaasi ah u gudbiyey Farmaajo & Beesha caalamka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---