Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlayay Xasillinta Deegaannada Hirshabelle oo dhacay

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaama ayaa guddoomiyay shir ku saabsan xasillinta Deegaannada Hirshabelle oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkan oo ku saabsanaa sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle, ayaa lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee iska dulqaaday culeyska cadowga Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa dhankiisa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada:Qaraxyo lagu bur buriyay hoolka Nasiinada ee Garoonka diyaaradaha ee…

Cabdi Cade

30 qof oo ku dhaawacmay khal-khal ku yimid dayuurada Turkish Arilines (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo Kenya ka difaacday eedeyntii kaga timid Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---