Jubbaland oo Kenya ka difaacday eedeyntii kaga timid Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Labada gole ee dawlad goboleedka Jubbaland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray fara galinta ay dawladda federaalka ka wado gobolka iyo xaaladda amni darro ee ay ka hurinayso kadib kulan deg-deg ah oo sida ay sheegeen maanta yeesheen magaalada Balad Xaawo.

Allbanaadir Online ma xaqiijin karto in kulankan uu ka dhacay degmada Belad-xaawo oo inta la ogyahay ay joogaan ciidamo taabacsan DF.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sheegay In kenya aysan fara gelin ku heynin degaanada Jubbaland, iyagoo dhinaca kale DF ku eedeeyey iney gobolka Gedo ka aasaastay jabhad la dagaalanta maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa yimid xili maalmo ka hor wareysi uu bixiyey Madaxweyne farmaajo uu ku eedeeyey Dowlada Kenya iney fara gelin ku heyso Somalia iyadoo adeegsaneysa maamulka Jubbaland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -