Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

30 qof oo ku dhaawacmay khal-khal ku yimid dayuurada Turkish Arilines (Daawo Sawirro)

Dayuurad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa waxaa ku yimid khal-khal dhinaca hawada ah, xilli ay maraysay Badweynta Atlantic, iyadoo u kala goosheysay magaalooyinka Istanbul iyo New York.

Rakaabka Dayuuradan la socday oo gaarayey in ka badan 300 ayaa la sheegay inay cadaadis kala kulmeen dabaylo dayuuradu la kulantay, taasoo sababtay inay dhawaacmaan 30 ka mid ah rakaabkii saarnaa.

Dayuuradan ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah ku degtay garoonka dayuuradaha John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York.

Mushkiladan oo dhacday xalay xiliga magaalada New York ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka gurmadka deg deg ah loo diyaariyey rakaabka dhaawacmay oo qaarkood uu soo gaaray jajab dhinaca lafaha ah, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Culeys soo wajahay Farmaajo & dagaal cusub oo ka dhex qarxay Fahad iyo Rooble

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Masuul hore oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray

Cabdi Cade

Meydadka qoys todoba qof ka kooban oo laga helay Magaalada Osmington (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---