Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xushay dhexdhexaadinta Ciyaaro caalami ah (Daawo Sawirro)

Garsoorayaal Soomaali ah ayaa loo xushay iney dhexdhexaadiyaan Ciyaar caalami ah oo ka tirsan isreebreebka Koobka kubada cagta Qaramada Afrika (African Cup of Nations Qualifiers 2019) taasoo dhici doonta 18-ka bishan.

Waxaa isaga hor imaanaya ciyaartan Xulalka dalalka Botswana iyo Mauritania.

Xiriirka Garsoorayaasha iyo kan Kubada cagta Afrika ayaa Garsoorka dhexda ee ciyaarta Botswana iyo Mauritania u doortay Hassan Mohamed Hajji, halka Kaaliyaha 1aad laga dhigay Hamza Hajji Abdi, iyadoo Kaaliyaha 2aadna loo magacaabay Suleiman Bashir Sheikh.

Xulka Mauritania ayaa kulankii hore 1-0 ku badisay, kulankana si ay u soo baxdo barbar dhac ama guul kale ayeyna u  baahan tahay, markii ugu horeysay ee ay tartanka Qaramada afrika u soo baxdo ayayna noqonaysaa hadii ay riyadeeda u rumowdo.

Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa Sanadihii ugu dambeeyay waxay aad uga dhex muuqdeen Garsoorka Ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee ka dhaca qaarada Africa iyagoo Kalsooni weyn ka helay Xiriirada K/cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee (CECAFA) iyo xiriirka kubada cagta ee Afrika (CAF) oo u qiray inay yihiin kuwo si habsami leh u qabta Tartamada isla markaana aan marnaba lagu arkin wax ka baxsan Xeerka Kubadda Cagta u degsan.

Garsoorayaal magac ku lahaa Qaaradda afrika ayaa dhowaan shaqada laga fariisiyey ka dib Markii lagu helay iney ku kaceen Masuqmaasuq iyo Eex.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -