Dab saakay ka kacay Garoonka Aadan Cadde iyo Howlihii garoonka oo hakad galay

Waxaa saakay dab uu ka kacay qeyb kamid ah garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana saacado hakad ku yimid duulimaadka iyo shaqooyinkii kale ee garoonka ka socday.

Sida aan wararka ku helnay dabka ayaa saakay ka kacay gudaha Maqaayad kutaala garoonka Diyaraadaha Aadan Cadde gaar ahaan qeybta duulimaadyada caalamiga ka baxaan.

Dabka oon khasaaro nafeed geesan ayaa markii dambe lagu guuleestay in la damiyo, wali lama oga waxa dhaliyay dabkan ka kacay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka.

Howlihii garoonka sida Duulimaadyada baxayay iyo kuwa imaanayay ayaa markii dambe caadi kusoo laabtay, waxaana hada socda baaritaano lagu ogaanayo waxa dhaliyay dabkan saakay garoonka gudihiisa ka kacay.

 

 

- Advertisement -