Masuuliyiin booqatay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, soona arkay dhibaatadii dhacday (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa galabta booqday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ciidamo ka tirsan dowladda ay maanta baaritaano xooggan ka sameeyeen

Thaabit oo ay la socdeen masuuliyiin kale ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay guriga iyo dhibaatada la gaarsiiyay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay falkan wuxuuna halkaas kula kulmay Senator Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir warbixin ka siiyey burburka gaaray agabkii yiilay gurigiisa iyo dhibaatada ay geysteen ciidamadii soo galay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ku lug yeelata falkan isagoo Senator Cabdi qeybdiid kaga tacsiyadeeyey dhibaatada loo geystay.

“Wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharcidarro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale cidii amarkaas bixisay” ayuu yiri gudoomiye Thaabit.

Sidoo kale taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Gorod iyo saraakiil la socotay ayaa booqday hoyga Jen. Cabdi Qeybdiid iyagoo indhahooda ku soo arkay wixii goobta ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -