Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ninka heysta Keyd ku dhow 2 kun oo Telefoonno qadiimi ah !! (Daawo Sawirada)

Sehabettin Ozcelik, oo ah fuundi farsameeya telefoonnada cilladaysan ayaa haya keyd ka badan kun xabbo oo telefoonnadii hore ah kuwaas oo badankood adeegsi-gal noqon kara. Waxaana ugu caansan Nokia 3310 ama Motorola Razr V3.

“Xiisaha aan u qabo moobillada awgeed ayaan u bilaabay keydintooda,” ayuu yiri.

“Maalin ayaa go’aansaday inaan ururiyo anigoo is leh durba waa laga tegi doonaa. Laakiin, dhamaan telefoonnada aan hayo waa la isticmaali karaa. Balse in badan hadda lama soo saaro.”

Sehabettin Ozcelik, wuxuu sheegay in sannad kahor inta uusan usoo jabsan tuug, uu gurigiisa ku hayay in ka badan 2,000 oo telefoonnadii hore ah.

Shaqadan ayuu soo bilaabay 20 sanno kahor.

“Waa moodelo dhif ah qaalina ah,” ayuu yiri. “Kuwa badan ayaa iga dalbaday inaan ka iibiyo laakiin waan ku gacan-seyray. Way adag tahay in lagu ilaaliyo siday yihiin, balse inta karaankayga ah waxaan ku dadaali doonaa inaan sugo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Hassan Rouhani oo si dadban Mareykanka ugu eedeeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka oo qaadacay liiska xildhibaana cusub lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

Farmaajo oo la qadeeyey ciidamo ku xareysan Xerada Jeneraal Gordon (Daawo Sawirro)

admin
Taboola Ads ---