Allbanaadir.com
JUBALANDMUQDISHONEWS

(Sawirro) Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, C/raxmaan C/shakuur & xubno kale oo Kismaayo gaaray

Ka dib markii dowlada Somalia ay qaaday xanibaadii saarneyd duulimaadyada magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhoofay, wufuud ay kala horkacayaan madaxdii hore ee dowladda, xisbiyada mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada, iyagoo ku sii jeeda magaaladaas.

Labo dayuuradood oo ay la socdaan wufuudan ayaa gaartay magaalada Kismaayo, iyadoo dayuurada hore ay la socdeen Madaxweynihii hore Xasan Shiikh iyo xubno ka tirsan xisbigiisa oo ay ku jiraan xildhibaano, iyadoo dayuurada labaadna ay qaaday Wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynihii hore Shiikh Shariif iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Wufuudan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo gantaal la helay markab kale oo marayey Badda Cas

Caydiid Ali

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo waday iyo ragii la socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---