Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Xassan Sheekh oo xilal u Magacaabay Mas’uuliyiin cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  La Taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin oo horay ahaa la taliyihii ugu horeeyey amniga Qaranka ee Madaxweynihii xilka ka degay Farmaajo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=0ntQuQrhWAg

Related posts

Dowladda Soomaaliya iyo FAO oo kala saxiixday heshiis xog la isku dhaafsanayo

Cabdi Cade

Dalal u badan Qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo lagu daray liiska casaanka ee UK

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Farmaajo iyo Mursal Shirqool cusub maleegayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---