Axmed Madoobe oo loo diiday inuu booqdo Garbahaarey iyo Sababta ka dambeysa

Maamulka Gobolka Gedo ayaa ayaa ka soo horjeestay booqasho Madaxweynaha  Jubbaland uu qorsheynayo inuu ku tago  magaalada Garbahaaray.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo iyo xubno kale ayaa sheegay inay tallaabadaas ay ka soo horjeedaan.

Arintan ayaa timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu booqdo magaalada Garbahaarey iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Guddoomiye ku-xigeenka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Axmed Madoobe mudadii uu xilka hayey uusan waxba ka qaban gobolka, uuna ka hor yimid dowlada federaalka sidaas awgeedna aysan ogoleyn booqashadiisa.

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca hoggaanka Jubbaland oo muujinaya in Axmed Maxamed Madoobe uu ku wajahan yahay Gobolka Gedo.

dhinaca kale, Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxaweynaha Jubbaland ayaa ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Banaanbaxyaaasha oo isugu soo baxay wadooyinka Waaweyn ee Garbahaarey ayaa watay Sawirrada Madaxweynaha Jubbaland iyo ku xigeenkiisa 1aad Maxamuud Sayid Aadan oo la saaray calaamado isku talaab ah ama (X)

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -