Hadal Heynta Doorashada Koonfur Galbeed oo yaraatay kadib tanaasulkii Shariif Xasan

Waxaa aad u yaraatay hadal heynta iyo xiisaha doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, kadib is casilaadii iyo tanaasulkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid si weyn loo hadal hayay , waxaana mar qura hadal heynta iyo xiisaha doorashada Koonfur Galbeed meesha ka baxday markii uu Shariif Xasan is casilay kana tanaasulay Doorashada.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey loo calaamadeeyay in ay dhaceyso 17-ka bishan, lamana oga wali in waqtigii loo qorsheeyay lagu qaban doono doorashada iyo in dib u dhac ku imaan doono.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in doorashada dib u dhac ku imaanayo xiligii loo qorsheeyay in ay dhacdo, waxaana is casilay inta badan Guddigii dooarshada mana jiro guddi kale oo lasoo magacaabay, waxaana doorashada ka harsan 6-maalin oo kaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waqti iyo qarash badan ku bixinayay sidii meesha looga saari lahaa Shariif Xasan oo ahaa siyaasiga ugu saameynta badan Siyaasada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa markii uu ka tanaasulay doorashada kana tagay magaalada Baydhabo ayaa xaalku noqday mid dagan oo meesha ka saartay xiisihii iyo hadal heyntii badneyd ee siyaasada Koonfur Galbeed iyo Doorashada ka dhaceysa Baydhabo.

Musharaxiintii ay gadaal ka riixeysay dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hada yareeyay kulamdii iyo ololihii doorasho ay ka wadeen magaalada Baydhabo, waxa ayna aamineen Musharaxiintaasi hadii Shariif meesha ka baxay in xaalku sahlanaan doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -