Allbanaadir.com
NEWS

Weerar qorsheysan oo lagu qaaday xarumo Al Shabaab ku lahaayeen Jacar iyo Garabla

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo ciidamo caalami ah aya lagu weeraray xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaano katirsan gobolka Galgaduud.

War goordhaw kasoo baxay dowladda laguna baahiyay warbaahinta Qaranka ayaa lagu shaaciyay in weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday labo xarun oo Al Shabaab ku lahaayeen deegaannada Jacar iyo Garabla.

Dowladda ayaa sheegtay in labada weerar lagu beegsaday xarun kooxda Al Shabaab u aheyd keyd ay hubka dhigtaan, goobta kale ee la wareeraray ayaa iyana la sheegay in ay aheyd garaash baabuurta iyo gaadiidka dagaalka dhigtaan Al Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor weeraro dhinaca cirka ah lagu qaaday degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo iyana lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo idaacadii kooxdaasi afkooda ku hadli jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaaraha Somalia oo xariga ka jaray labo Mashruuc

Caydiid Ali

Guddiga DF u xilsaartay ka hortaga Cudurka COVID-19 oo digniin culus soo saaray

Caydiid Ali

DF: “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula Xisaabtamayaa weerarada Shacabka Jubbaland”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---