Dowladda Somalia oo heshiis hoose la gashay Madaxweynaha Jubbaland

Dowladda Somaila ayaa heshiis hoose la gashay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib wadahadal muddo dheer labada dhinac uga socday magaalada Nairobi.

Heshiiskan oo uu kasoo shaqeeyay Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Fahad Yaasiin Xaaji ayaa muhiimadiisu tahay in la dhammeeyo xiisadii siyaasdeed ee ka dhaxeysay madaxda dowalda Somalia iyo Axmed Madoobe, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ka tanaasuleyso colaadii siyaasadeed iyo qoshihii ay ku dooneysay inay xilka ka tuurto Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin oo muddo Bil ku dhowaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa ka soo baxay maalintii ay Kenya ku dhawaaqday inay u yeeratay Safiirkeeda, uguna baaqday Safiirkii Somalia inuu dalkiisa ku laabto, waxaana qorshahan lagu qanciyey Ra’iisal wasare Kheyre oo diidmo ka muujiyey markii hore.

Heshiiska Qorshaha Fahad Yaasiin iyo Axmed Madoobe isla gaareen ayaa isbedel weyn ku sameynaya xiriirkii labada dhinac, waxaana haddii heshiiskan uu dhaqan galo Axmed Madoobe uu heli doonaa fursad uu talada Jubbaland ku sii heysto.

Ra’iial wasaare Kheyre iyo Fahad Yaasiin ayaa la qorsheeyay inay tagaan magaalada Kismaayo, hase ahaatee waxaa dib u dhigay safarkaas xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxday Kenya iyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -