Madaxweyne Erdogan oo ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in gaadhi uu saarnaa askari ka tirsan ciidamada booliiska laga helay walxaha qarxa, kaas oo qayb ka ahaa ilaalada isusoobax uu ka qaybgalay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Qalabkan qarxa ayaa waxaa helay saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga daqiiqado ka hor inta uusan bilaabmin isu soo bax ka dhacay magaalada Siirit ee koonfur bari dalkaasi. Waxaana ka hor tegay koox booliis ah oo bambaanooyinka ku takhusasay.

Qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in uu ahaa isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynaha. Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo cidda dhigtay qalabkan.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in booliska Turkiga ay bam hoos ka heleen gaari uu saarnaa askari ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo loo xil saaray inuu ka shaqeeyo munaasabad uu ka qeyb galay madaxweyne Tayyip Erdogan oo ka dhacday bariga Turkiga.

Qalabkan ayaa la sheegay in laga helay magaalada yar ee Nusaybin oo ku taalla xuduudka Suuriya, halkaasoo sarkaalku uu doonayay inuu u kaxeeyo meel 200 km (125 mayl) waqooyi bari ka xigta Siirt, oo ah goobta Erdogan uu markii dambe kula hadlay dad bannaanka isugo soo baxayt.

Gaadhiga ayaa la dhigay guriga sarkaalka oo ku yaala Nusaybin. Bamkii waa la furay, waxaana la bilaabay baadhitaan, sida ay sheegtay Anadolu.

Hamza Dag, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee Erdogan, ayaa sheegay in booliisku ay dib u dhigeen sii deynta xogta si ay uga fogaadaan khalkhal gelin shacabka.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Siirt ayaa waxa uu ku sheegay in argagixisadu aanay meelna kaga jirin mustaqbalka dalkiisa iyo gobolkaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -