Ciidamada Amaanka oo howlgal dad badan lagu qab qabtay ka fuliyay Duleedka Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo adag waxa ay ka fuliyeen deegaano kuyaala duleedka magaalada Muqdisho, oo maalmihi lasoo dhaafay kusoo bateen falal amaan daro.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa xalay baaritaano adag ka sameeyay xaafado kuyaala inta u dhaxeysa Deegaanka Garasbaaley iyo Tree Disho, waxa ayna ciidamada guri guri u galayeen xaafadaha baaritaanada laga sameenayay.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa dad badan qab qabtay intii uu howlgalku socday, waxa ayna ciidamada su’aalo kadib ay sii deenayeen dadka ay qabteen qaarkood.

Falal amaan daro oo isugu jiray dilal iyo weeraro ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay duleedka Muqdisho, waxaana shalay kaliya duleedka Muqdisho lagu dilay sadex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen askar dowlada katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -