Tirada Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka Sanadkan ka geesteen Soomaaliya oo la ogaaday

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan sanadkan ka fuliyay qeybo badan oo katirsan Soomaaliya, waxaana inta badan duqeymahan lala beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sanadkan gudaha Soomaaliya ka fuliyay 29 duqeyn, waxaana inta badan duqeymaha lala eegtay fariisimo iyo xarumo ay Al Shabaab ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka.

Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray in duqeymaha Diyaaradaha dagaalka Mareykanka sanadkna ka fuliyeen gudaha Soomaaliya iyo sanadkii hore ay isku mid yihiin.

Waxa uu xusay Wargeyska in Duqeymaha Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya uu khasaaro kasoo gaaray Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in duqeymahaasi aysan waxbo u dhimin awooda kooxda Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymaha ka ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya waxa ay ku dileen dad shacab ah iyo sidoo kale xubno kale oo katirsan Al Shabaab, waxaana inta badan Duqeymaha ka dhaceen Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -