Madaxweyne Gaas oo Eedeyn culus u jeediyay dowlada Federaalka

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa in Dowlad goboleedyada u dhaq mayaan sida Dowlada Dhaxe ayna rabaan in wadamo kale heshiisyo la galaan.

Waxa uu Madaxweyne Gaas sheegay in dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

Waxa uu sheegay in maamul goboleedyada dalka ay masuuliyad xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan ayna xaq u leeyihiin in ay dibada tagaan ayna heshiisyo la galaan Hay’ado .

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxuu ka hadlay is casilaadii Madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan, waxa uuna sheegay in dowlada faragalin iyo cadaadis ku laheyd arintaasi.

Gaas ayaa sheegay in dowlada Federaalka dhaqaalihii loogu tala galay umada Soomaaliyeed u adeegsaneyso faragalin iyo bur burin ay ku heyso maamul goboleedyada, waxa uuna sheegay in Koonfur Galbeed la geeyay baabuur iyo dhaqaalo badan.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay maamul goboleedyada in ay galayaan Heshiisyo aan sharci aheyn ayna jecel yihiin in ay la kulmaan Madax ka sareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -