Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Cabdullaahi Ibrahim Yarow

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad, ayaa xukun dil ah ku ridey askari katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo lagu helay in nin shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo .

Cabdullaahi Ibrahim Yarow ayaa maxkamadda ciidamada ku heshay in 3-dii bishii Juun ee sannadkan magaalada Baydhabo si kas ah ugu dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Isgoowe Maxamed Aadan .

Ehelada marxuumka la dilay ayaa la sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ka codsadeen in loo qisaaso askariga katirsanaa ciidanka booliiska Koonfur Galbeed ee dilka u geestay wiilkooda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana dhageysiga kiiskan kaddib , waxa ayna xukun dil ah ku riday Dable booliis Cabdullaahi Ibrahim Yarow Boorow, waxa ayna maxkamadda sheegtay in kiiskan uu ka furan yahay racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Nairobi iyo xog ku aadan Ujeedka socdaalkiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo safar ugu baxay dal kuyaalla Yurub iyo xog ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---