Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay in beesha Caalamka ay ka aamin baxday Villa Soomaaliya

Puntland ayaa sheegtay in guud ahaan Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia, islamarkaana sheegeen in ay ka guurayaan, kaddib markii ay ku fashilantahay dagaalkii Argagixisada, taasi oo keentay in ay lumiso Kalsoonidii Beesha Caalamka.

“Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa, laguma kalsoonaan karo, xog sirdoon laguma aamini karo” waxa sidaasi yir wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe.

Dhinaca kale, wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in  Puntland kalsooni buuxda ka heshay Beesha Caalamka, oo ay u horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, islamarkaana loo aqoonsaday saaxiib dhab ah oo dunida kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

“Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah. Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen” ayuu sii raaciyay wasiir Caydiid.

Dowladda Soomaaliya, ayaan dhawaan warqad ay u direen beesha caalamka ugu sheegeen in meesha ka baxdah saameyntii ay markii hore iu lahaayeen siyaadadda Soomaaliya,, lagana soo gudbay xilligoodii.

Related posts

Kenya Airways oo hal sabab darteed u joojineysa Duulimaadyadii Muqdisho

Cabdi Cade

Amaanka Muqdisho oo saakay la adkeeyay iyo Wadooyin badan oo xiran

Cabdi Cade

Heyadda SODMA oo ka digtay duufaan halis ah oo Somalia ku soo wajahan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---