Maxkamad go’aan ka gaareysa kiis xiisad weyn & hadal heyn ka abuuray Caabudwaaq (Sawirro)

Waxaa shalay gelinkii dambe Maxkamada Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud la soo taagay rag Ku eedaysnaa Kufsiga iyo Faafinta Muuqaalada anshax Xumadaa  ee laga duubay Dhawaan Gabar ku sugan Magalada Caabudwaaq.

Edaysanayaasha Maxkamada la horgeyay ayaa kala ah.

1- Maxamed Siciid Maxamed,
2- Miscab Cabdullaahi Xasan,
3- Cabdirashiid Daahir Ismaaciil

Sidoo kale waxaa Magaalada Caabudwaaq ku sugan  Maxkamadii Gobolka Galgaduud oo u joogta qaadista Kiiskan.

Edaysanayaashan ayaa wax laga waydiiyay Falalka lagu Soo eedeeyay ee kufsiga iyo Fadeexaynta iskugu jira, dhamaantoodna waxay qirteen iney geysteen fal dembiyaadkaas foosha xun sida ay sheegayaan dad ka qeyb galay dhegeysiga Maxkamada.

Maxkamada ayaa sheegtay iney maalmaha Soo socda kiiskan soo afmeerto, xukuna ku rido raggan.

Waxaa Sidoo kale maqane ah oo lamaha Amnigu ay baadi Goobayan Eedaysanihii afraad oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Cabbullaahi oo sida wararku sheegayaan u so baxsaday magaalada Muqdisho.

Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa dhegaha u taagaya go’aanka iyo xukunka ay gaari doonto Maxkamada maalmaha soo socda kaasoo dadka qaarkood sheegayaan hadii aan la waafajin caddaaalada xiisad ka abuuri kara Magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -