Abiy Ahmed oo sheegay in Hal Madaxweyne yeelanayaan Dalalka Somalia, Itoobiya iyo Eritrea

Hogaamiyaasha Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa u muuqda kuwa sameesanaya isbaheysi , waxa ayna markii labaad yeesheen kulan sadex geesood ah oo lagu xoojinayay xiriirka sadaxda wadan ay hogaamiyaan.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isbadalo waa weyn oo loo riyaaqay ka sameeyay Geeska Afrika ayaa hada wada dadaalo uu ku doonayo in ay midoobaan ayna hal hogaan yeeshaan Wadamada Geeska Afrika.

Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in Mustaqbalka geeska Afrika uu lahaan-doono hal madaxweyne intii uu saddex madaxweyne lahaan lahaa, waxaana hadallka Abiy u muuqdaa mid uu ku doonayo in ay ku midoobaan Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ma sheegin xiliga rasmiga ah ee sadaxdan wadan midoobayaan, hasa ahaatee waxa uu warkiisu kusoo koobay kaliya in Mustaqblka sadaxdan wadan midoobi doonaan ayna hal Madaxweyne yeelan doonaan.

Wadamada Soomaaliya ,Itoobiya iyo Eritrea ayaa hada leh xiriir aad u dhaw, waxa ayna Hogaamiyaasha sadaxda wadan wadaan dadaalo lagu sii xoojinayo xiriirka iyo saaxiibtinimada soo noolaatay ee sadaxda wadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -