Allbanaadir.com
NEWS

Guddi ay dowladda magacawday oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo ku kulmay Xarunta dhexe ee Hay’adda (SoDMA) ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.

Kulankaan waxaa guddoomiyay guddoomiyaha guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, ganacsato, ururka haweenka Qaranka iyo culumada Soomaaliyed.

Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay golaha wasiirada XFS oo  lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ayaa noloshooda galaafatay dad ka badan 40-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 200-qof, dadka dhaawacyada soo gaaray qaarkood ayaa wali yaalla isbitaallo kuwaa oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil argagax leh oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

R/Wasaare Kheyre oo Shaqo joojin ku sameeyay Wasiir kuxigeenka Wasaarada A/Dibadda

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar ka dhan ahaa Itoobiya oo lagu taageerayay Masar

Cabdi Cade