Kheyre ”Doorasho ayaa dalka ka dhici jirtay afartii sanaba mar nuucey rabto ha ahaatee”

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeeshay golihiisa Wasiirada ayaa faray in ay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici laheyd, xili wali shaki la galinayo in doorasho dalka ka dhaceyso xiligii loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Kheyre in golahiisa wasiirada howlaha ugu muhiin ee hada horyaala ay yihiin sidii dalka doorasho uga dhici laheyd , waxa uuna ugu baaqay Wasiirada ka shaqeynta doorasho ku dhacdo si nabad ah.

“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin ayna saamileyda badankood ama kuligood qeyb ka yihiin, doorasho ayaa dalka ka dhici jirtey 4tii sanaba mar nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay, dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in diyaar garowga doorashada iyo qaban qaabadooda ay gacanta ku hayaan Baarlamaanka iyo guddiyo kale oo ka shaqeenaya qabsoomida doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiinta mucaaradka kuwaa oo sheegay in ay soo dhaweenayaan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -