Allbanaadir.com
NEWS

Elon Musk oo dacwad ku soo oogay shirkado ku adkeeyay !

Elon Musk, mulkiilaha shabakadda X ee hore loogu yaqaanay Twitter ayaa dacwad ku soo oogay qaar ka mida shirkadaha wax xayaysiiya ee qaadacay inay adeegyada xayaysiiska ku baahiyaan boggiisa, wixii ka dambeeyey markii uu iibsaday shabakaddan, arrintaas oo shirkaddiisu ay ku wayday balaayiin dollar oo ay ka heli jirtay xayaysiisyada, wuxuuna ku eedeeyey inay ku kaceen xadgudub.

Shirkaddan X ayaa dacwaddeeda u gudbisay maxkamad heer federaal ah oo ku taalla gobolka Texas, iyaga oo dacwadda u haysta Golaha ay ku midaysan yihiin shirkadaha wax xayaysiisa ee World Federation Association iyo shirkadaha xubnaha ka ah ee ay ka mid yihiin Unilever, Mars, CVS Health iyo Orsted.

Shirkadaha wax ku xayaysiisan jiray bogga hore loo odhan jiray Twitter ayaa shaqadooda joojiyey, ka dib markii uu Elon Musk uu lacag gaadhaysa illaa 44 billion oo dollar uu ku iibsaday shirkaddan, sannadkii 2022.

Sannad ka dib markii uu Elon Musk iibsaday shirkadda X, bishii November 2023, shirkado badan ayaa iskaga cararay barta X, iyaga oo ka cabanaya in xayaysiiskoodu uu ka hareer muuqdo, warar kale oo taageeraya kooxaha Naziyiinta ama wararka nacaybka ku salaysan.

Shirkadaha laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa iyagu ku dooda in qaybta koowaad ee Dastuurka Maraykanka “First Amendment” inay siinayso xorriyadda ay ku qaadanayaan go’aanada taabanaya xuquuqdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanadguuradii 5aad ee aasaaska Hirshabelle oo xalay Jowhar laga xusay (Sawirro)

Caydiid Ali

Aaska Madaxwayne Cali Mahdi Kadib Guddiga Qaran ee qabanqaabada Maxay ka sheegayn Goobta lagu aasay ?

admin

Masar oo diyaarineysa ciidamo ku soo wajahan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---