Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Jair Bolsonaro oo kumanaan dollar lagu ganaaxay (Sababta)

Maxkamad ku taal dalka Brazil ayaa ku xukuntay Madaxweynaha dalkaas lacag dhan $3500 oo dollar oo magdhow uu u siinayo haweenay saxafiyad ah oo uu bahdil iyo afgalaado u geystay.

Jair Bolsonaro ayaa bishii Febraayo ee sanadkii 2020 sheegay in haweenayda weriyaha ah ay jirkeeda u bixiso si ay u hesho xogaha lidka ku ah isaga.

Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in Madaxwene Bolsonaro uu dhaawacay sharafta haweenaydaas, sidaas awgeedna loogu xukumay ganaaxa.

Qoraal ay soo dhigtay Twitterka ayay Ms Campos Mello, oo ah weriye hore ugu guuleysatay abaal marin una shaqeysa wargeyska Folha de S.Paulo, ayaa sheegtay in go’aanka qareenka uu yahay guul u soo hoyatay dhammaan haweenka.

Ururka Weriyeyaasha Ka dhanka ah Tacaddiyada ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uu guul weyn u yahay gabdhaha weriyeyaasha ah iyo saxaafadda dalka Brazil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo ka badbaaday isku day la doonayey in lagu qaarajiyo

Caydiid Ali

Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo kulan muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---