Shirkada Somtel oo Abaalmarino kala duwan siisay Macaamiisheeda (Sawirro)

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano, Gudoomiyayaasha Degmooyinka yaaqshiid & degmada shibis, Ururada dhalinyarada,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii waxaa munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Hey’ada Guryasamo Axmed Abshir geedi oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay u baahnaayeen bulshada soomaaliyeed

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaari Hyundai-ga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in laguabaalmariyo

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa 10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadinba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkadduna ku sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid mudane Axmed C/laahi Cariif oo aad u bogaadiyay kaalinta muuqata ee shirkadda isgaarsiinta somtel

‘Waxaan goobjoog u ahaa Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood taasoo lagu qabtay Hotel Elite ee magaalada muqdisho Waa barnaamij taabagalay oo taddobaadkii 9aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayaa macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waxaan leeyahay soomaaliyeed waad qaadatay kaalintii laga sugayay shirkadda dadweynaha Soomaaliyeed ay wax ku leeyihiiin taasoo laga rabo inay u damqato bulshadeena jilicsan”

Waxaa sidoo kale munaasabada Cusmaan Saalax Muuse oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan ‘Ma filaneynin in somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsan tahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano”

Waxaa erayo kooban munaasabada ka sheektay Xafso Axmed Yusuf oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah

“Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leeysoo wacay in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darteed ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay”

Ugu danbeyntii waxaa Shucuurteeda Cabirtay Najmo Cabdi Muuse oo ku guuleysatay Labtop

‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyad aan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalinbadalshada jaamacada oo aan dhawaan qoraayo

Madaxa Waaxda ganacsiga ee Somtel, Mudane: C/lahi Cali Caamir oo soo xiray munaasabadda macaamiisha lagu abaalmarinayay ayaa yiri “Dhammaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood, Shirkadd uugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadaha anoo Ugu sareeyo gaariga hyundai oo ay horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi qaba si shirkadda ajar fara badan ugu hesho”

- Advertisement -