Wariye laga soo musaafuriyay Puntland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Maamulka Puntland ayaa magaalada Garawe kasoo musaafuriyay weriye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, kaa oo dhawaan xabsi kuyaala Garawe la dhigay.

Wariye Cumar Soomane ayaa lagu xiray xabsi kuyaala magaalada Garawe oo markii dambe qaab damiin ah looga sii daayay, maamulka Puntlanad ayaana wariyaha ku eedeeyay in Idaacad kutaala Muqdisho kasii daayay warbixin aysan jecleysan oo been abuur ah.

Sida aan wararka ku helnay Madaxtooyada Puntland ayaa wariyaha ka joojisay shaqadii uu u hayay oo aheyd Wariyaha gaarka ah ee Madaxweyne Deni, waxaana maamulka Puntland amray in wariyaha laga musaafuriyo Puntland.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu maanta kasoo degay Wariye Cumar Soomane waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Wariye Cumar Soomane ayaa lagu sheegay sababta shaqada looga joojiyay loona soo musaafiriyay magaalada Garawe in ay aheyd in uusan kasoo jeedin deegaanada maamulka Puntlanad .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -