Haweeney Aroosad ah oo sun ku dishay 15-qof oo xafladeeda arooska kasoo qeyb galay

Dhacdo dad badan argagax iyo ammakaag ku noqotay ayaa ka dhacday deegaan hoostaga magaalada Multan ee dalka Pakistan, kaddib markii aroosad xafladii arooskeeda loo joogay ay sumeesay dad badan oo munaasabada ku sugnaa.

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa ku warantay Asiya Bibi oo aan ku qanacsaneyn guurka ninka ay la aqal galeysay oo si qasab ah loogu daray ay sun ku dartay caano, iyada oo ujeedkeedu ahaa in uu cabo ninka aroosayay si uu u dhinto.

Ninka arooska ahaa ayaan cabin caanihii sunta lagu daray, waxaana badalkiisa caanaha cabay dad badan oo isugu jiray dadkii kasoo qeyb galay xaflada arooska una badnaa ehelada iyo asxaabta ninka .

Inta la xqiijiyay 15-qof ayaa ku dhimatay sunta ay cabeen, waxaa sidoo kale xaaladooda lala tacaalayaa dad kale oo badan oo la dhigay isbitaal, kuwaa oo qaarkood lasoo sheegayo in xaalad halis ah ku jiraan.

Ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa xabsiga dhigay haweeneydii  aroosada aheyd ee sunta dadka ku dishay, waxa ayna booliiska sheegeen in natiijada baarista ku sheegi doonaan nuuca sunta iyo sababaha keenay.

Pakistan ayaa waxaa ku badan guurka qasabka ah gaar ahaan haweenka kasoo jeeda dadka saboolka ah, waxaana aroosada dadka sunta ku leysay la sheegay in marar badan isku dayday in ay baxsato balse guurkan qasab looga dhigay sidaasna dadka u sumeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -