Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeyn ku leysay Dr. Hassan Hamdan & qoyskiisa

Israa’iil waxay duqeyn ku dishay Dr. Hassan Hamdan oo ah dhakhtarka ugu sarreeyay ee qallinada ee magaalada Qasa

Dhacdadan naxdin leh ayaa ka dhigan in kaliya hal dhakhtar oo awood u leh fulinta qallinada guud inuu ku haray magaalada Qasa oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan.

Xaaladda ayaa waxaa ka dhalan karta tiro badan oo dhaawacyo ah inay u dhiman karaan inaysan helin dhakhaatiir awood u leh qallinada gaarka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP

Allaha u naxariisto Dr Hassan waxaa duqeynta uu ku geeriyooday, sidoo kale lagu dilay inta badan qoyskiisa oo ay ku jiraan xaaskiisa, wiil uu dhalay, laba gabdhood, gabar uu soddog u ahaa, wiil uu soddog u ahaa, lix uu awoowe u ahaa iyo qof kale, waxaana lagu duqeeyay dhisme ku yaalay aag ay Israa’iil ku sheegtay goob nabdoon.

Related posts

Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay Duqeynta Somaliland ku wado Laascaanood

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday & Qoorqoor oo ka hadlay

Caydiid Ali

Waa sidee xaalada Masjidka Soomaalida ee Quba khilaafkii guddiga kaddib.? (Wareysi)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---