Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay Duqeynta Somaliland ku wado Laascaanood

Wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa mar kale cambaareeyay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool , kaa oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Qoraal kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka wali ka sii socda magaalada Laascaanood iyo abaabul xoog leh ay wadaan dhinacyada dagaalamaya.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka walaacsanyihiin duqeymaha culus ee ciidamada Somaliland u geysteen kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo oo ay sheegeen sababtay waxyeello iyo barakac baahsan.

”Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay dad badan oo oo qaarkood xaalado adag heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -