Waa sidee xaalada Masjidka Soomaalida ee Quba khilaafkii guddiga kaddib.? (Wareysi)

Inkastoo aan weli xal kama dambeys ah laga gaarin khilaafkii u dhexeeyay Guddiga maamula masjidka Soomaalida Quba ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, haddana waxaa si habsami leh u socda adeegyada uu masjidku u hayo mushtamacyada muslimka ah, oo Soomaaliduna ka mid tahay.

Guuleed Xirsi oo ka mid ah howl-wadeenada masjidka u qaabilsan adeega duugta & Xassan Barre oo ah xubin firfircoon, kana tirsan maamulka, ayaa saxaafadda kaga warbixiyay sida ay u socdaan howlaha masjidka.

Wareysiga la la yeeshay xubnahan ka tirsan maamulka masjidka, wuxuu ku soo beegmayaa iyada oo muddooyinkii u dambeeyey ay sii xoogeysanayeen wararka sheegaya in masjidka xirmay, markii xal laga gaari waayay khilaafkii guddiga masjidka kala ir-dheeyay.

Si kastaba, khilaafka masjidka oo ahaa mid ka careysiiyay guud ahaan mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan, wuxuu u dhexeeyay Guddoomiyaha Guddiga maamula masjidka Shiikh Suldaan Gasle, ahaana iimaamkii masjidka oo dhinac ah & Guuleed Wayrax & Shiikh Ibraahim [Abuu-khadiija] oo dhinaca kale ah, iyada oo labaddan xubnood ay ku mowqif yihiin dhammaan howlwadeenada masjidka.

Ku dhowaad 3 toddobaad ayaa laga joogaa  murankii guddiga u dhexeeyey ee sababay in masjidka ay yimaadaan ciidamo boolis ah, halkaasina ay ka dhacdo dhacdo si weyn kaga careysiisay dadkii masjidkaasi ku xirnaa & guud ahaan bulshada Soomaalida; Dhacdadaas oo ahayd markii Shiikh Suldaan boolisku amar ku siiyeen inuu ka isaga tago masjidka, maadamaa sida ku qoran waxa loo yaqaan KVK-ga oo ah halka lagu diiwaangeliyo dadka maamula ururada & hay’adaha ijtimaaciga ah laga saaray magaciisa & xilkii uu masjidka ka hayay, dadka sida sharciga ugu qoranna ay kala yihiin Guuleed & Abuu-Khadiija.

Tillaabada xigta, ayaa aheyd  shirkii ay qabteen guddigii odayaasha dhexdhexaadinta ee fadhigoodu ahaa Tilburg, laguna  shaaciyay in baaritaankoodii ku soo idlaaday in Shiikh Suldaan ay ka saxan yihiin xubnaha kale ee guddiga, gartooduna ay ku soo dhamaatay Shiikhu howsha ha ka fadhiisto, hana u dhaafo howsha maamulka masjidka dhalinyarada guddiga kala tirsan, oo aheyd ardaydii isagu uu wax soo baray.

2 Toddobaad markii ay ka soo wareegtay go’aankii guddiga odayaashu soo saareen ayaa qaar ka mid ah deeq-bixiyayaasha masjidka oo tiradoodu lagu sheegay in ay gaareysay 20 xubnood u gudbiyeen garyaqaankii Shiikh Suldaan difaacayay  liiska qidmadihii dhowrkii sanno ee u dambeeyey ay ku bixinayeen masjidka, in qidmadahaasi ay u bixiyeen kalsoonida ay ku qabeen maamulkii uu Shiikha hormuudka ka ahaa, haddana ay dalbanayaan in Shiikha magaciisa lagu soo celiyo KVK-ga.

Muddo 7 cisho ah ka hor ayaa mar kale magacii Shiikha lagu soo celiyay KVK-ga isaga oo xilkiisii Guddoomiyaha guddiga ah,  waxaanna iminka si gaabis ah u socda wadahadalo ay horkacayaan rag odayaal, iyada oo la isku dayayo in la isku soo jiido guddiga masjidka ku haray & Shiikha.

“Runtu waxay tahay, in labada dhinac uu dhinac tanaasulo.  Dhalinyaradan Shiikhu wax soo baray waxaa adduun & aakhiro u wanaagsan inay Shiikha la fadhiistaan, ileen Shiikhu waa keligii-ye, tiro ahaanna iyagaa ka badan, sharciyan xittaa ma sameyn karo wax iyagu aysan raali ka ahayn sidaana lagu xaliyo khilaafka, ama in Shiikhu tanaasulo maadaama uu keligii yahay lagana badan yahay waxa la isku hayo-na ay tahay maamulka baytkii ALLE inuu yiraa, haddii ardaydaydii garan waysay wixii aan mudnaa anigaa ka roonaanaya. Haddii aan sidaa la yeelin, khilaafkuna sii xoogeysto wixii halkaas ka dhaca wax la mahdiyo ma noqon doonaan” Ayuu yiri ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Teeda kale, dadka masjidka ku xiran, ee ku liibaanay furnaanshihiisa waxaa ku jira dhalinyaro Soomaali u badan, waxaanna ay dalbanayaan dhalinyaradaasi in laga fogaado buunbuuninta khilaafka masjidka.

“Annagoo dhalinyaro ah, qaarkeen ay jiidatay dhalinyaranimo bii’adu keentay ayaa ku xiran masjidka, una qidmeeya” Ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaasi, wuxuuna intaasi sii raaciyay:

“Ku xirnaanshaha aan masjidka ku xiranahay & faa’iidada aan ku qabno waxay sababtay inaan ka soo jeesano dayowgii ay ku jireen qaar innaga mid ah, waad aragtaa haybadda & diinta naga muuqata, cid kasta ee dooneysa in masjidkaasi ay carqaladeeyaan waxaan leenahay ALLE ha kaga cabsadaan in ay khilaafka masjidka sii buunbuuniyaan, masjidkan howshiisu si qurux badan ayeey u socotaa, raggan masjidka u qidmeynaya sharciyad ayeey ku joogaan”

 

 

- Advertisement -