Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday & Qoorqoor oo ka hadlay

Allaha u naxariisto  Madaxweynihii hore ee Galmudug State Maxamed Axmed Caalim ayaa caawa ku  geeriyooday dalka Boqortooyada Ingiriiska caasimadiisa London.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweyne QoorQoor ayaa ilaahey uga baryey inuu jannooyinkiisa sarsare ku irsaaqo walaalkiis Maxamed Axmed Caalin, Eebbana uga baryey ehelkiisana inuu ka sabir siiyo.

“Walaalkey Maxamed Axmed Caalin wuxuu ahaa nabaddoon ay lahaayeen Reer Galmudug iyo Soomaali oo dhan, wuxuu ku sifeysnaa wanaag idilkiis, wuxuu bulshada Reer Galmudug ugu xisaabsanyahay halyeey weyn, ilaahey gadaashiis nama fidneeyo, ehelkiisana si gaar ah ayaan ugu tacsiyeyneynaa” ayuu yiri Qoorqoor.

Maxamed Axmed Caalin wuxuu ahaa madaxweynihii 2-aad ee Galmudug, wuxuuna ka dambeeyay madaxweyne Maxamed Warsame Cali “Kiimiko” oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug, kaas oo isna geeriyooday 06-May- 2019.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin wuxuu door weyn ku lahaa dhamaystirka hanaankii dalka looga saarayay ku meel gaarnimada, wuxuuna ka mid ahaa madaxweyneyaashii saxiixay 2012.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Caalin wuxuu xafiiska laga maamulo Galmudug fadhiyay intii u dhaxeysay 14 August 2009 illaa 1 August 2012, wuxuuna kursiga u banneeyay Janaraal Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ka dib doorasho dhacday.

- Advertisement -