Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Shacabka BFS?

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe waxaa ugu horeyn Xildhibaanada loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed Iyo Hindise-sharciyeedka Shaqada Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood wakhti badan qaadatay ka yeeshay dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn.

Waxaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ay badankood sheegeen in marka hore dib u eegis lagu sameeyo hay’adihii hore u dhisnaa dibna Golaha loogu soo celiyo si loo kala saaro hay’adaha sharciga ku dhisan iyo kuwa aan sharciga ku dhisneyn.

Maadaamaa Xildhibaano tiro badan ay is qoreen si ay fikirkooda uga dhiibtaan ka doodista dhismaha hay’adaha madaxa bamaan ee aan miisaaniyada lahayn, waxaa haray oo aan weli fikirkooda dhiiban ilaa sideed Xildhibaan,iyadoo dooda ajendahan la xiriirta la dhameystiri doono kulanka kan xiga oo dhici doona maalinta isniinta ah sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray

Related posts

Dad ku dhaawacmay Isbuurasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad ay Soomaali ku jiraan oo lagu xir xiray magaalada Nairobi iyaga oo Shiishad cabaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---