Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Shuute oo shaaciyey arrin culus oo heysata

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka side ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ka jirta xabsi la’aan.

Waxaa uu farta ku fiiqay in dambiilayaasha la soo xiro aan loo hayn xabsiyo ku filan oo lagu hayo.

“Magaaladii waxaa ka jirta xabsi la’aan waxyaabaha sababta u ah oo badan in waxyaabo yar oo laga hortagi karay ay weeynaadaan waxaa sabab u ah xabsi la’aanta” ayuu yiri Mr Shuute.

Waxaa uu xsuay in xabsiga dhexe ee Xamar uu noqday xabsiga kali ah ee lagu soo xiro dhammaan dadka laga kala keeno gobolada dalka.

“Xabsigii dhexe ee Xamara ayaa xabsiga dhexe ee Soomaaliya isu badalay, xabsigii degmooyiinka Muqdisho na isu badalay xabsiyada gobolada la xoreeyay oo dhan wada ah”. ayuu yiri.

Hadalka Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka side ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku soo beegmaya xilli maanta shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar ay dad ku dhinteen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Lubnan oo digniin telefon ka helay Israel

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Itoobiya oo War-Murtiyeed wadajir ah soo wada saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---