Dad ku dhaawacmay Isbuurasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Waxaa maanta isbuurasho ka dhacday meel ku dhaw Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay tirada ka bateen dadkii la doonayay in ay kasoo qeyb galaan muxaadarada Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyawi.

Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu tagay hoolka Sahal oo la filayay in Muxaadaro ku qabto Sheekh Kenyaawi oo dhawaan Muqdisho yimid, hasa ahaatee dadweynihii tirada badnaa ee isugu tagay agagaarka Hoolka ayaa isbuurasho sameeyay.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa hoolka Sahal ayaa la sheegay in ay rasaas fureen, waxaana lagu soo waramayaa in sadex ruux ay ku dhaawacmeen rasaasta dhacday sidoo kale isbuurashada waxyeelo kasoo gaaraty dadkii meesha ku sugnaa.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa markii dambe go’aansaday in uu baajiyo muxaaradii uu qaban lahaa, waxa uuna Sheekha sheegay in Muxaadarada dib u dhigay laguna qaban doono goob ka weyn hoolka Sahal.

Kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu tagay Hoolka Sahal iyo aaga ku dhaw, waxaana dadka isku xirmeyn hoolka Sahal ilaa laamiga Taleex .

Hoolka Sahal ayaa horey loogu qaban jiray Bandhig faneedyada iyo sidoo kale munaasabadaha kale ee dowlada, waxa ayna aheyd markii ugu horeesay oo Muxaadaro diini ah la qorsheeyay in laguqabto hoolkaasi inkastoo markii dambe ay baaqatay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -