Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Geeri ku timid danjirihii Ruushka u joogay dalka Mozambique iyo baaritaan socda

Mozambique ayaa sheegtay in ay kala shaqeyneyso madaxda Ruushka baarista waxa sababay geerida Alexander Surikov oo ahaa safiirka Ruushka u fadhiya dalkooda.

Alexander Surikov waxa uu noqday safiirka Mozambique ee Ruushka 2017-kii

Surikov oo 68 jir ahaa ayaa ku geeriyooday Sabtigii deegaankiisa rasmiga ee caasimadda Mozambique sida ay sheegeen warbaahinta gudaha. Sababta uu geeriyooday safiirka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in xafiiska dacwad oogaha guud ee Mozambique ayaa sheegay in aysan la socon warka sheegaya in Ruushku diideen in meydka safiirka lagu sameeyo baaris.

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa sheegay in geerida safiirka ay tahay dhaawac weyn isagoo ku tilmaamay inuu ahaa diblomaasi weyn oo tayo gaar ah lahaa.

Related posts

Dhacdo Naxdin leh: Gabar yar oo Ayeeyadeed ku dishay gobolka Jubada hoose (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay geeridii ku timid Sheekh Sabaax Al Axmad Al Jaabir

Cabdi Cade

Xildhibanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay & 17 Xildhibaan ee dhulbahante oo ….

admin
Taboola Ads ---