Musharax Mucaarad ah oo sheegay in Gedo uusan kasoo saari doonin Ciidanka la geeyay

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay sida uu ka yeelayo ciidanka Dowlada federaalka u daabushay gobolka Gedo hadii uu ku guuleesto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Daahir Geelle oo ka qeyb galay Barnaamij ka dhacay  Garawe ayaa sheegay in gobolka Gedo uusan kasoo saari doonin ciidanka dowlada geesay balse la imaan doono siyaasad sahli karta inay hal meel ku wada qadeeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Waxa uu sheegay Musharax Daahir Geelle in ciidanka dowlada geesay gobolka Gedo halkaasi loo geeyay colaad qabiil balse uusan jirin sida uu tilmaamay dagaal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Musharaxa ayaana xusay in marka uu ku guuleesto xilka Madaxweynaha ka shaqeyn doono in xasilooni lagu soo celiyo gobolka Gedo kana shaqeyn doono in heshiis gobolkaasi kuwada joogaan ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland.

Midowga Musharaxiinta uu katirsan yahay Daahir Geelle ayaa marar badan sharci daro ku tilmaamay ciidanka dowlada federaalka geesay gobolka Gedo, waxa ayna horey ugu baaqeen dowlada in ciidankaasi ka saarto gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -