Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirro)

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Turkiga Gen, Hulusi Akar ayaa galabta ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan qaar kamid ah Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa garoonka ku soo dhaweeyey wafdigaas

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga ee soo gaaray magaaladda Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dawladda Turkiga iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Imaanshaha Muqdisho ee Wafdigaan ayaa ah siddii dawladda Turkiga ay u sii dar dar gelin laheyd taageeradda howlaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo gacan weyn ay ka geystaan.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kulamadaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -