Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Ciidamada Haramcad looga soo raray Dhuusamareeb?

Waxaa maanta laga soo saaray magaalada Dhuusamareeb ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee DF (Haramcad) kuwaasoo tiradoodu gaareyso 200 waxaana dib loogu soo celiyey Muqdisho oo dhowr bilood ka hor laga daad gureeyey.

Ujeedka ciidamadan halkaa looga soo qaaday ayaa lagu sheegay dalab ka yimid Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ka qeyb galaya shirka wada tashiga ah ee madaxda dowlad goboleedyada ee kuwaasoo ku dooday inay cabsi ka qabaan ciidamada Haramcad oo ay sheegeen iney ka amar qaataan DF oo aysan iyagu isku fiicnayn.

Labada nin ayaa madaxda Galmudug ka dhaadhiciyey inay iyagu isku daraan ciidamo ay kala xukumaan oo amaanka sugaya balse Arrintan ayaa waxay weji gabax ku tahay Maamulka Galmudug iyo DF Somalia oo u hoggaansamey go’aan tusaale aan wanaagsaneyn u ah dowlad dhisidda dalka, isla markaana dhiirri gelin kara hoggaamiye kooxeednimo iyo siyaasadihii lagu soo daaley 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa aaminsan in Galmudug ay ceeb ku tahay in loo yeeriyo sida ay u sugayaan amaanka cidda u imanaysa ama cidda ay u ogolaanayaan inay gobolkooda joogto.

RW Khayre ayay wararka qaarkood sheegayaan inuu bixiyey amarka ciidamadaas looga saaray magaalada Dhuusamareeb, lama oga sababta ay go’aankaas iyo debecsanaanta heerkaas gaarsiisan u qaateen isaga iyo Madaxweyne Qoor-qoor inkastoo loo malaynayo iney ka taxadarayeen fashil kale oo ku yimaada shirka wada tashiga dowlad goboleedyada.

“Maanta oo aan joogno 2020 in la isku aamini waayo Ciidankii Qaranka oo shir soconaayo labo beri dartiisa looga soo rarey 200 oo askari, iyo in dhamaan 5-ta Madaxweyne mid kasta u direy Dhuusamareeb Ciidan boqolaal ah oo asaga u gaar ah waxaan ku tilmaami karaa nasiib daro” ayuu yiri Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan dharbaaxo ku dhacday qaranimada Soomaaliya, waana talaabo wax u dhimaysa, dhaawacna ku ah qiyamka dowladnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -