Aragtida Ururka Ahlu Sunna iyo Shuruucda Baarlamaanka ee isdiidan !!

Dowladaha iyo nidaamyada dunida ka jira badankood waxaa hal-beeg u ah dimoqoraadiyad, iyada ayaa lagu kala baxaa, oo aragtiyada kala jeeda lagu mideeyaa, ilbaxnimaduna waxay sheegeysaa haddii aad ka qeyb qaadato inaad wixii ka soo baxo aqbasho.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka dimoqoraadiyadda u bisil wax badana wali u dhimman yihiin, Sababtana waxaa leh burbur sanado dalka la degay iyo hay’adaha dowliga oo hada ku jira kabsasho.

Maamulka galmudug wuxuu ku dhisan yahay hab-dhis beelo isu tegay iyo degmooyin ay ku kala abtirsadaan , marna laguma midoobin; maamullo iyo ururro. Qalad siyaasi ah ayuu ahaa go’aanka Ahlusunna waljamaacah, oo urur u taagan lagu siiyay saami siyaasadeed ay ay ku yeeshaan baarlamaanka Galmudug, xal ayaana la biday in 20 xildhibaan la siiyo ee xaq ma ahan.

Tiiyoo ay jirto inaan marna heshiisyadii DFS iyo Ahlusunna lagu xusin saami ka dambeeyo 20-kaa xildhibaan, oo heer guddiyo, guddoon iyo fulinba leh, rag ka rooni ayay aheyd in Ahlusunna, oo si gooni-daaq ugu muuqatay dowr laga siiyo guddiyadii baarlamaanka, taana inay xildhibaanno yihiin ayay ku heleen, ee magac urur kuma helin.

Xildhibaanada 20-ka ah, ee Ahlusunna, isla markii ay xubin gole baarlamaan u dhaarteen waajibka fuulaya ayaa ah inay xisbiyo iyo ururro ka madax banaan yihiin, oo danta Galmudug iyo Soomaaliya guud ahaan metelaan.

Haddii Ahlusunna weli saluug ka qabeen saamiga ay baarlamaanka Galmudug ka heleen, waxay aheyd inay bareerahooda caddeystaan, Laga billaabo maalinkii ay Koontada laga siiyay baarlamaanka galmudug ku qanceen, guddigii kumeel gaarka ahaa, ee doorashadii guddoonka baarlamaanka ka qeyb galeen, isla markaana guddoonka baarlamaanka u tartameen.

Ahlu Sunna waxay muujiyeen inay hannaanka maamul u dhisidda Galmudug diyaar u yihiin 50%, meel dambe, oo ay urur ugu xuubsiibtaan uma harin, Walow biyo-deys ka dabo yimid inay natiijadi tartanka doorashada aqbaleen calaamad biseyl siyaasadeed muujisay ayaa loo arkay.

Tallaabadii shalay Sheekh Shaakir Cali Xasan warqadda cabashada lagu sheegay ku soo saaray, xubnihii Ahlusunna afkooda ku hadlay, ee guddigii shalay baarlamaanku ansixiyay ka midka ahaana shirka jaraa’id ku qabteen waa tallaabo dimoqoraadiyadda iyo anshaxa dowladnimada dheeri ku ah. Maan dadaad waa mudacyo afkii.

Aragtiyada la kala aaminsan yahay waxaa lagu mideeyaa ‘ majority rules minority’. Gole baarlamaan, waxaa looga maamula , ama lagu hagaa; xeer, cod hal-dheeri ah ( gacan-taag/ qarsoodi) ama aqlabiyad ( 50+1). Marna isu jiidjiid, xeerin iyo u turid lagama yaqaan. Waa la is dardarsiiyaa, bacdamaa waxa laga shaqeynayo siyaasad yihiin.

Dhaqanka ayaa astaamaha kor ku xusan gaar u leh, oo isaga aqlabiyad lagama adeegsado, Xaal-mastuur, garab-salaax, tanaasul iyo afar faataxo ayaa looga gun gaaraa.

In 8 xubnood u dheg-raariciso, oo u xayirnaato 5 xubnood oo carootay waxay ceeb ku tahay dhaqanka goleyaasha iyo dimoqoraadiyadda, Guddiga qeybtiisa guddoonka kumeel gaarka ah dooratay kutub ayay ka dayeen. Iyaga oo daliishanaya xeerka u yaalla iyo nidaamka aragtiyada kala duwan lugu xalliyo ee dimoqoraadiga ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, guddigii ayuu farogeliyay waa meel-ka-dhac, Gacal golaha dhan ayuu xukumaa, Wuxuu xaq dastuuri ah ugu leeyahay guddiga; inuu talo siiyo, kormeero, toosiyo, u dhexeeyo, halka aqlabiyaddoodu jirtana xigsado.

Weel walba waxa ku dhex jira ayuu duxaa, Ahlusunna dhawaqoodu ku kali ma aha. Musharaxiinta aan rajada badan ka qabin natiijada doorashada ayaa ku lammaansan, Xitaa haddii Ahlusunna madax iyo majaba qaadacaan guddiga, guddoonka iyo hannaanka doorashada oo dhanba, kama dhigna in dartood wax loo joojinayo, sidaan rabno ha noola yeelo, haddii kale gaw iyo gash maleh Ahlusunna kama geeyaan reer galmudug, waana waxa indhahaan noo yeelay.

Culumada Ahlusunna labo midbaa dowgooda ah; 1. inay hannaanka doorashada ixtiraamaan, raacaan, wixii ay ka ridan karaanna ka ridtaan. Haddii u ahaa weysana u hogaansamaan wixii soo baxa. 2. Inay nidaam-diid caro ku baxa oo gaalkacyo iyo fowdada laga abaabulayo ku biiraan, maadaama ayaamahaan la arkayay qofkii iyo kooxdii sidii ay rabaan waayaba inay gaalkacyo u caroonayeen.

Guddiga la magacaabay iyo guddoonka ay iska doorteenba waxaan ka rajeyneynaa inay doorashada ka caddaalad falaan, oo shafaafiyad muujiyaan. Reer galmudug-na, siiba reer Dhuusomareebeed, oo marti loo yahayna sharafkoodu wuxuu ku jiraa inay habraaca dhismaha galmudug cusub u hiilliyaan. Kooram. Ma jiri karo Xildhibaan dhaha waxaan uga amar qaadanayaa shaqada Xildhibaanimo Odaygii i soo xulay ama ciddii kale ee i soo qortay, hadday dhacdo in xildhibaan sidaas ku fekerona uma diyaarsana mana fahamsana shaqada hortaal.

W/Q Siciid Cabdi Faarax (Qalable)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -