Qaxooti Soomaali ah oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Dayuurad la socdeen Qaxooti Soomaali ah oo laga keenay dalka Liibiya ayaa caawa maqribkii ka soo degtay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dayuuradan la socda 124 qaxooti Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana soo celintooda ka dambeysay dowlada federaalka Somalia.

Qaxootigan ayaa waxaa garoonka aadan cadde ku soo dhoweeyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federaalka.

Soomaalida maanta lagu soo celiyey dalkooda ayaa ka mid ahaa kumanaan qaxooti ah oo tahriibay dalka Liibiya si ay halkaas uga galaab qaarada Yurub balse xaalado adag ay ku qabsadeen xabsiyada dalka Liibiya.

Dowlada federaalka ayaa horey uga soo celisay dalka liibiya iyo dalal kale oo ka tirsan caalamka boqolaal Soomaali ah oo ku dhibaateysnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -