Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiin kale oo gaaray magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo katirsan labada golle ee dowlada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka  iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Baydhabo u tagay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo iyo dib u dhaca laga cabsi qabo in ay ku timaado Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socda ayaa la filayaa in kulamo la qaataan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Hogaanka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo waxgaradka Koonfur Galbeed.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka BL-ka iyo Bajaajta (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Shirkii RW Rooble & Musharaxiinta oo lagu Magacaabay guddiyo isku dhaf ah

Caydiid Ali

Cumar Filish: “Ma aqbalayno in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---