Madaxweyne Shariif Xasan oo galabta tartanka Doorashada ka tanaasulaya iyo Sababta keentay

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in galabta uu Shariifka ka tanaasulayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan oo saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan kawaday magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Shariifka ku guul dareestay in uu kasbado Xildhibaanada Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale Shariifka ku guul dareestay qorshe uu doonayay oo ahaa in uu is casilo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed si dib u dhac dheer ugu yimaado doorashada.

Ilaha ku dhaw dhaw Shariif Xasan ayaa sheegay in cadaadis badan uu kala kulmay Dowlada Federaalka iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ku abuurtay niyad jab keentay in uu isaga haro tartanka loogu jira Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa laga dhur sugayaa shirka jaraa’id ee saacadaha soo aadan Shariif Xasan ku qabanayo magaalada Baydhabo, waxaana suurto gal ah in uu isbadal ku yimaado qorshaha tanaasulka Shariif Xasan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -