Cumar Filish: “Ma aqbalayno in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo”

Cumar Maxamuud Maxamed Filish Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa  sheegay inay u diyaarsan yihiin doorasho qof iyo cod ah in gobolka Banaadir ay ka dhacdo.

Cumar Filish ayaa intaas ku daray in taas  badalkeeda ay kasoo horjeedaan doorashooyinkii dadbanaa ee 2016 lagu soo doortay dowladda hadda dalka ka arrimisa.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa inay ka qeyb qaataan doorashada qof iyo codka ah ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo si ay u helaan doorkooda siyaasadeed ee dalka” ayuu yiri Cumar Filish.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay  in dowladda federaalka ay u diyaaraan tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay siiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska dalka.

“Doorashada dadban dadka qaar waxay ku doonayaan inay xilalka sii hayaan, taasoo u wanaagsaneyn dadka Muqdisho, waxaana idin cadeynayaa in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Khilaaf weyn ayaa ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta marka laga gaaro bilowga sanadka 2021-ka oo uu dhamaan doono muddo xileedka madaxda hadda talada heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -