War Deg Deg Ah: Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo goordhaw shaaca ka qaaday in uu…

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Shaaca ka qaaday Asagoo ku Sudan Gudaha Madaxtooyada magaalada Baydhabo in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo xil heynteeda maalmo uga harsaneyd, waxa uuna si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa damacsanaa in uu waqti dheeraad ah ku darsado xilkiisa uuna abuuro xiisado siyaasadeed, hasa ahaatee damaca Shariif Xasan ayaa fashilmay kadib markii cadaadis saartay Beesha Caalamka

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Beesha Caalamka uga digtay Shariif Xasan in uu sameeyo waqti kororsi, waxa ayna Beesha Caalamka kula taliyeen Shariifka in uu doorashada tartamo ama isaga haro tartanka.

Shariif Xasan ayaa tanaasulka uu sameeyay loo sababeeyay in ay ka dhalatay cadaadiska beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero balaaran siineysa qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -